HomeWararSawirro:-Ergo ka qeyb galeysa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo gaartay Dhuusamareeb

Sawirro:-Ergo ka qeyb galeysa Shirka dib u heshiisiinta Galmudug oo gaartay Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Guddiga qaban-qaabada dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay ergada Gaalkacyo uga qeyb geleysa shir-weynaha la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si ay uga wada hadlaan qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay. Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ku hadlay afka bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa munaasabadda soo dhaweynta ka sheegay in gacma furan […]

- Advertisement -

Guddiga qaban-qaabada dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay ergada Gaalkacyo uga qeyb geleysa shir-weynaha la isugu keenayo dhammaan beelaha Galmudug si ay uga wada hadlaan qorshaha dhismaha Galmudug loo dhanyahay.

Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ku hadlay afka bulshada ku nool magaalada Dhuusamareeb ayaa munaasabadda soo dhaweynta ka sheegay in gacma furan kusoo dhaweynayaan ergada ka socota Gaalkacyo ee ka qayb gelaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

- Advertisement -

Nabadoonno kamid ah ergada ka timid Gaalkacyo oo caddeeyay in ay u yimaadeen ka qayb galka gogosha fidsan ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta qiimaha badan, waxa ayna Ra’iisul Wasaaraha dalka iyo guddiga qaban-qaabada shir-weynada dib-u-heshiisiinta ku ammaaneen howsha ballaaran ee ay u hayaan reer Galmudug.

Xildhibaan Ubax Tahliil oo munaasabadda soo dhweynta ka hadashay ayaa madaxda qaranka uga mahadcelisay dadaallada hagar la’aaneed ee ay ugu jiraan dhismaha dowlad gobaleed Galmudug loo dhanyahay.

Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa caddeeyay in guddigu ay ku faraxsanyihiin in reer Gaalkacyo ay casuumaadii ay u fidiyeen kasoo jawaabeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories