HomeWararAl-shabaab oo weerar dhaba-gal ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan AMISOM

Al-shabaab oo weerar dhaba-gal ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan AMISOM

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab dagaal Culus uu ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolkaas. Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii  Al-shabaab ay weerar dhaba-gal ah ku sameeyeen Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM xili ay socdaal ku marayeen wadada […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-shabaab dagaal Culus uu ku dhexmaray deegaano ka tirsan gobolkaas.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii  Al-shabaab ay weerar dhaba-gal ah ku sameeyeen Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM xili ay socdaal ku marayeen wadada laamiga ah ee xiriirisa degmooyinka Buula-burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Intaasi kadib ayaa waxaa Ciidanka AMISOM iyo Al-shabaab dhexmaray dagaal xoogan,kaasi oo sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,in kastoo aan si dhab ah loo ogeyn Khasaaraha inta uu la egyahay.

Ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhaq-dhaqaayo Ciidan ay ka wadaan deegaano hoostaga Degmooyinka  Buula-burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidanka Xooga dalka ayaa dhawaan Gobolkaas uga dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-shabaab,kaasi oo ay ku doonayaan in  shabaab ay uga qabsadaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories