HomeWararAl-shabaab oo War kasoo saartay Doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismaayo

Al-shabaab oo War kasoo saartay Doorashooyinkii ka dhacay Magaalada Kismaayo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo markii saddexaad lagu doortay Axmed Madoobe. Al-shabaab ayaa markii ugu horraysay ka hashay Doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe iyo labada Madaxweyne kale oo looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo,kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Madaxweynaha Jubbaland. Guddoomiyaha […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhawaan waxaa ka dhacay Doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo markii saddexaad lagu doortay Axmed Madoobe.

Al-shabaab ayaa markii ugu horraysay ka hashay Doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe iyo labada Madaxweyne kale oo looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo,kuwaasi oo la sheegay inay yihiin Madaxweynaha Jubbaland.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Al-shabaab ee Jubbooyinka Sheekh Mahamed Abuu Cabdalla oo la hadlay Idaacada ku hadashay Afka Shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay dagaal la geli doonaan dhammaan kuwa sheegtay in ay Madaxweynayaal ka yihiin dowlad Goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale Sheekh Abuu Cabdalla ayaa waxaa uu sheegay in Jubbaland ay isku heystan dowladaha Kenya,Itoobiya iyo dowlado kale oo reer Galbeed ah,kuwaasi oo uu xusay inay kala wataan Musharaxiin kala duwan.

Isaga oo sii hadaayay Sheekh Abuu Cabdalla ayuu sheegay in Ciidanka Jubbaland ay Gobolada Jubbooyinka uga sugan yihiin Degmooyinka kala ah Afmadow iyo Kismaayo,isla markaana aysan waxba iska bedeli doonin mowqifkooda ayna la dagaalami doonaan Dhammaan Madaxda Jubbaland.

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ayaa Khamiistii la soo dhaafay lagu doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo markii saddexaad noqday Hoggaamiyaha maamulkaas,waxaana isla Magaalada looga dhawaaqay laba Madaxweyne oo kala ah Cabdinaasir seeraar oo Madax ka ahaa Musharaxiinta Isbedeldoonka Jubbaland iyo Cabdirashiid Xiddig oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories