HomeWararFaah faahin:-Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Faah faahin:-Qarax Khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Khasaaro geystay oo saakay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka aaso ah,isla markaana waxaa uu haleelay Gaari Qooqan ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsa kuwa Milatariga dowladda Soomaaliya,xili ay marayeen Nawaaxiga Carwadii […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Khasaaro geystay oo saakay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa miino dhulka aaso ah,isla markaana waxaa uu haleelay Gaari Qooqan ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsa kuwa Milatariga dowladda Soomaaliya,xili ay marayeen Nawaaxiga Carwadii hore Taleex.

- Advertisement -

Warar kala duwan ayaa ka soo baxay Khasaaraha ka dhashay,waxaana la xaqiijiyay in darawalkii waday gaariga uu ku geeriyooday qaraxaas,sidoo kalena uu dhaawac soo gaaray Askari saarnaa Gaariga.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka oo ay hadlayaan qaraxii saakay ka dhacay qeybo kamid ah Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca qaraxyo lagu soo xiro gaadiidka raaxada ama kuwa ay wataan Ciidamada dowladda,waxaana ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories