HomeWararWasiirka arrimaha dibadda Somalia oo ka qeyb galay shir ka dhacay Adis-ababa

Wasiirka arrimaha dibadda Somalia oo ka qeyb galay shir ka dhacay Adis-ababa

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Shir ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Addis,ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya,kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ka taagan dalalka IGAD sida Koonfurta Suudaan. Waxaa uu shirkan quseeyey wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalay […]

- Advertisement -

Shir ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Addis,ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya,kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ka taagan dalalka IGAD sida Koonfurta Suudaan.

Waxaa uu shirkan quseeyey wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD,iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalay Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Axmed Ciise Cawad.

- Advertisement -

Soomaaliya waxaa ay kamaid tahay wadamada sida gaarka ah diiradda loo saarayo in laga taageero dib u soo kabashada,maadam dalka uu soo maray burbur muddo ka badan 25 sano.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo Soomaaliya u matalayay shirkaasi ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Dowladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD.

Waxyaabaha diiradda la saaray waxaa kamid ahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga wadamada ku mideysan Urur goboleedka IGAD,dhinacyada ammaanka,nabadda,horumarka iyo dib u heshiisinta.

- Advertisement -

Arrimaha sida aadka ah loo gorfeyey waxaa kamid ahaa geedi socodka nabadda ee Koonfurta Suudaan oo in muddo ah xiisado siyaasadeed ay ka taagnaayeen,iyagoo soo saaray baaqyo ku aadan sidi loo xoojin lahaa nabad waarta oo ka dhalata dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale shirka wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD waxaa loogu hambalyeyeey Golaha hoggaanka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Suudaan sida ay ugu guuleysteen dhismaha dowlad wadaag ah,si looga gudbo marxaladda adag ee uu marayo dalkaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories