HomeWararDhakhaatiir Ruush ah oo cabsanaya ka dib markii ay daweeyeen dad laga...

Dhakhaatiir Ruush ah oo cabsanaya ka dib markii ay daweeyeen dad laga qariyay waxa haya

Date:

Related stories

Afrika oo Wajahaysa Caqabad Cusub oo Amni

Maalgelinta nabad ilaalinta oo hoos u dhacaysa ayaa Afrika ku qasbaysa inay dib u qaabayso hawlgallada amniga.

Burcad-badeedda Soomaaliya oo Dib u Soo Laabatay: Khatar Cusub

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dib u soo laabatay, iyadoo khatar cusub ku ah maraakiibta gobolka.

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Dhakhatiir Ruush ah oo daweeyay dad ay waxyeelo ka soo gartay shucaac, ka dib markii uu qarxay hub ay milatarigu leeyihiin ayaa hadda ka cabsi qaba in ay khatar soo gaartay lafahoooda. Labo dhakhtar oo ku sugan Arkhangelsk ayaa la hadlay laanta afka Ruushka ee BBC, iyaga oo ka warbixiyay dadka ay waxyeeladu ka soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dhakhatiir Ruush ah oo daweeyay dad ay waxyeelo ka soo gartay shucaac, ka dib markii uu qarxay hub ay milatarigu leeyihiin ayaa hadda ka cabsi qaba in ay khatar soo gaartay lafahoooda.

Labo dhakhtar oo ku sugan Arkhangelsk ayaa la hadlay laanta afka Ruushka ee BBC, iyaga oo ka warbixiyay dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas ee dawaynta loo keenay isbitaalka ay ka shaqeeyaan, dhakhaatiirtan ayaa dalbaday in aan magacooda la shaacin.

- Advertisement -

Shan injineer oo qaabilsan nukliyeerka ayaa dhintay bishii Agooso ka dib markii uu qarax ka dhashay goob tijaabo laga samaynayay oo ku taalla Nyonoksa, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Lix ruux oo kale ayaana isla qaraxaas ku dhaawacantay.

Masuuliyiinta ayaa faahfaahin yar ka bixiyay dhacdadaas. 14 Bisha Agoosto waaxda saadaasha hawada Ruushka ee Rosgidromet ayaa shaacisay in heerka shucaaca uu ka sare maray in kabadan 16 heerkii caadiga ahaa, arrintaasina ay ka dhacday Severodvinsk oo ah magaalo 47km bariga ka xigta Nyonoksa.

Sida ay muujinayso xogta rasmiga ah shocaaca Severodvinsk ma ahayn mid culus oo keeni kara shocaac xanuun laga qaado.

- Advertisement -

Khuburo ku sugan Ruushka iyo kuwo reer Galbeed ah ayaa sheegay in ay u badan tahay in tijaabadani ay la xiriirto 9M730 Burevestnik oo ah hab cusub oo lagu hagaajinayo gantaallo nukliyeer ah . Kaas oo ururka Nato uu u yaqaanno “Skyfall”, Putin ayaa sannadkii hore ee sheegay in teknoolajiyaddu ay gantaalka u horseedi doonto in uu socdo masaafo aan xad lahayn.

Dhakhaatiirta ku sugan isbitaalka Arkhangelsk oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in ugu yaraan 90 ruux ay ku daweeyeen qaybta bukaan socodka, balse milatarigu uusan uga digin in ay ku sumoobi karaan oo khatar nukliyeer jirto.

Dhakhaatiirtan ayaa ku sugnaa isbitaalka shacabka ee Arkhangelsk oo heer gobol ah, kaas oo lagu daweeyay saddex ruux oo dhaawac ah, halka saddex kalana laga geeyay isbitaal kale oo ku yaalla Arkhangelsk kaas oo la dhoho Semashko kuna qalabaysan qalab loogu talagalay xaaladaha degdegga ah ee shucaaca.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts