HomeWararAkhriso:- Musharaxiintii la tartantay Deni oo walaac ka muujiyay xaaladda Puntland

Akhriso:- Musharaxiintii la tartantay Deni oo walaac ka muujiyay xaaladda Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qaar ka mid ah musharaxiintii kursiga madaxweynaha kula tar-tantay madaxweynaha haatan talada haya ee Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas. War-saxaafadeed ka soo baxay ku dhawaad 6-musharax loo la loo lantay Siciid C/llahi Deni ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin khilaafka soo shaac baxay ee u dhaxeeya madaxweynaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qaar ka mid ah musharaxiintii kursiga madaxweynaha kula tar-tantay madaxweynaha haatan talada haya ee Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay ku dhawaad 6-musharax loo la loo lantay Siciid C/llahi Deni ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin khilaafka soo shaac baxay ee u dhaxeeya madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash.

- Advertisement -

Halkaan Ka Akhriso Qoraalka Musharaxiinta

Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba.

Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta.

- Advertisement -

Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta.

Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda.

Si looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddaana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:-

Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda.

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno.

Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo.

Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah.

Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan.

Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan.

Akhriso:- Magacyada

1-Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale

2-Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi

3-Inj. Maxamed Cusmaan Cali [Maad]

4-Maxamuud Cabdi Axmed [Gerlibaax]

5-Daahir Mire Jibriil

6-Jeneral Siciid Maxamed Xirsi

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts