HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Golaha Sare iyo RW Cusub ee...

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Golaha Sare iyo RW Cusub ee Suudaan

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Golaha Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, Axsaabta Siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo shacabweynaha dalkaas heshiiska taariikhiga ah ee ay ka gaareen dhisidda Dowladda Kumeelgaarka ah iyo hannaanka xukun ee dalkooda. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey masuuliyad wadareedka sare ee […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay Golaha Hoggaanka Ciidamada Qalabka Sida ee dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan, Axsaabta Siyaasadda, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo shacabweynaha dalkaas heshiiska taariikhiga ah ee ay ka gaareen dhisidda Dowladda Kumeelgaarka ah iyo hannaanka xukun ee dalkooda.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey masuuliyad wadareedka sare ee ay muujiyeen dhammaan dhinacyada Suudaan muddadii ay socdeen wadahadallada lagu samata-bixinayey dalkaas aan walaalaha nahay, isagoo tilmaamay in arrinkani uu dhiirrigelin u yahay xal u helista khilaafyada noocan oo kale ah ee ka jira Qaaradda Afrika.

- Advertisement -

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah Sarreeye Guud Cabdifataax Cabdiraxmaan Alburhaan iyo dhammaan 10-ka xubnood ee Golaha Sare ee dalkaas.

Sidoo kale, Madaxweynaha oo u hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Suudaan Dr. Cabdalla Xamduuk ayaa uga mahadceliyey doorkii uu ku lahaa kobcinta dhaqaalaha dalkeenna, maadaama uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqalahaa Qaranka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey shacabka iyo hoggaanka dalka Suudaan xasillooni siyaasadeed, horumar iyo in ay midnimo kaga gudbaan dhammaan caqabadaha ku xeeran. Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey Midowga Afrika iyo Dowladda Itoobiya dadaalka iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen dhexdhexaadinta dhinacyada dalkaas.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories