HomeWararMaamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Magacaabista Cumar Finish

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka hadlay Magacaabista Cumar Finish

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere)  ayaa hambalyo u diray Duqa Cusub Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish). Guddoomiye Mahadale Alle ayaa sheegay in shaqaalaha kala duwan ee Gobolka Banaadir ay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ku garab siin doonaan […]

- Advertisement -

Siihayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere)  ayaa hambalyo u diray Duqa Cusub Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Guddoomiye Mahadale Alle ayaa sheegay in shaqaalaha kala duwan ee Gobolka Banaadir ay Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ku garab siin doonaan mas’uuliyadda horumarinta Gobolka iyo sidii Caasimadda ay u noqon lahayd mid la tartanta Caasimadaha kale ee dunida.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddoomiye Ibraahim Cumar Mahadale ayaa waxaa uu Alle uga rajeeyay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir inuu waafajiyo wixii horumar iyo waxtar u leh Gobolka, siina ambaqaadid guulihii horey loo xaqiijiyey.

“Maamulka Gobolka iyo dhammaan shaqaalaheenna waxa ay kuugu garab siinayaan gudashada masuuliyadda horumarinta Gobolka iyo sidii caasimaddeennu ay u noqon lahayd mid la tartanta caasimadaha kale ee dunida. Guddoomiye, Alle waxaan kaaga rajayn in uu ku waafajiyo wixii horumar iyo waxtar u leh Gobolka, siina ambaqaadid guulihii horey loo xaqiijiyey”ayuu yiri Guddoomiye Mahadale Alle.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories