HomeWararDEG DEG:-Taliyeyaal Cusub oo loo magacaabay Ciidamada dowladda

DEG DEG:-Taliyeyaal Cusub oo loo magacaabay Ciidamada dowladda

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa Goordhow Taliyeyaal Cusub u magacaabay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. Golaha Wasiirada ayaa xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Daahir Aadan Cilmi Indhe-qarshe,iyadoo xilkaas loo magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo ahaa Taliyaha Ciidanka  dhulka. Taliyaha Ciidanka  Booliska ayaa waxaa loo oo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo […]

- Advertisement -

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa Goordhow Taliyeyaal Cusub u magacaabay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada ayaa xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Daahir Aadan Cilmi Indhe-qarshe,iyadoo xilkaas loo magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo ahaa Taliyaha Ciidanka  dhulka.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka  Booliska ayaa waxaa loo oo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka, waxaana xilka taliyaha Booliska laga qaaday Jen, Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta u magacaabay Gen. Mahad C/raxmaan,kaasi oo ahaa Taliyaha Booliska Koofur Galbeed,iyadoo xilkaas laga qaaday Bashiir Goobe.

Ugu dambeyntii Taliyaha hay’adda NISA ayaa waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddo 10 bilood ahaa sii-haaye.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories