HomeCaalamkaPakistan oo Qorsheyneysa in Khilaaf kala dhexeeya India u gudbiso ICJ

Pakistan oo Qorsheyneysa in Khilaaf kala dhexeeya India u gudbiso ICJ

Date:

Related stories

Somaliland President Irro Set for Official Visit to Israel

Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi, known as Irro, is...

President Mohamud: Opposition lacks political vision since 2023

Somali President Hasan Sheikh Mohamud said opposition groups have...

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka

Soomaaliya oo Urdun kaga wada hadashay caddaaladda kala-guurka Cammaan, Urdun...

Three Officers Wounded as Al-Shabaab Strikes Elite SOG Base in Mandera

Three police officers sustained injuries when suspected Al-Shabaab fighters attacked a Special Operations Group (SOG) camp in Fino, located in Lafey Sub-County, Mandera County, on Friday night.

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.
- Advertisement -

Wasiirka Arimaha Dibada ee Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in kiiskaasi uu salka ku hayo ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee Hindiya ay ka geysaneyso aqlabiyada muslimiinta ee Kashmir, oo labada dal ay ku andacoonayaan in ay si buuxda u leeyihiin maamulka gobolkaa ka jira.

Pakistan ayaa Talaadadii sheegtay inay muranka ay la leedahay India ee ku saabsan Kashmir u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, ka dib markii New Delhi ay ka laabatay maqaamkeedii gaarka ahaa ee qayb ka ahayd gobolka horaantii bishaan.

- Advertisement -

Islamabad waxay si cadho leh uga jawaabtay go’aankaas, waxay goysay ganacsiga iyo iskuxirkii gaadiidkii waxayna cayrisay safiirka India.

Wasiirka arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi, ayaa u sheegay telefishanka ARY News TV Talaadadii inuu go’aansaday inaan kiiska Kashmir geeyo maxkamadda cadaaladda.

“Go’aanka waxaa la qaatay kadib markii la tixgaliyay dhammaan dhinacyada sharciga,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Pakistan.

- Advertisement -

Afayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada India kama uusan jawaabin  hadalkan kasoo yeeray  pakistaan. India ayaa beenisay in ay ku kacday xadgudubyo xaga Xuquuqul Insaanka ah oo ka dhacay Kashmir.

Xiisadaha ayaa cirka isku shareeray ka dib markii New Delhi ay qodobka 370 ee dastuurka Hindiya ku oggolaatay in Kashmir gaar u yeesho.

Markii la beddelay xaaladda Kashmir, dawladda Raiisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxay sidoo kale xaddiday xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee gobolka waxayna jartey khadka internetka iyo khadka taleefanka.

India iyo Pakistan labaduba waxay xukumaan qaybo ka mid ah  Kashmir ilaa xornimada 1947 Khilaafka ka taagan gobolka muslimiinta ku badan yihiin wuxuu ahaa  goob inta badan ay ay ku dagaalamayaan labadaa dal iyadoo  labadii dagaal ee dhax maray labadaa wadan ay dhaceen sanadihii sagaashamaadkii.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories