HomeWararKenya oo Jabuuti uga adkaatay kursigii Golaha ammaanka ee QM

Kenya oo Jabuuti uga adkaatay kursigii Golaha ammaanka ee QM

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Codeyn dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ugu tartamayeen kursiga Afrika ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey. Dowlada Kenya ayaa noqoneysa musharaxa kaliya ee u taagan kursiga aan joogtada ahayn ee Afrika u geli doona tartanka Kursigaas ka mida Golaha 10-ka dal ee aan […]

- Advertisement -

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Codeyn dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ugu tartamayeen kursiga Afrika ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dowlada Kenya ayaa noqoneysa musharaxa kaliya ee u taagan kursiga aan joogtada ahayn ee Afrika u geli doona tartanka Kursigaas ka mida Golaha 10-ka dal ee aan joogtada ahyan ee Golaha Amniga ee 2021-2022, iyadoo ay Kenya ka guuleysatay dalka Jabuuti oo la tartamayey.

- Advertisement -

Codeyn Qarsoodi ah oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika maanta ayey wareegii labaad Kenya heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod, iyadoo ay codeynta ka qeyb galeen 51 dal oo ka mida 55-ka dal ee Afrika. waxayna Kenya sidaasi ku noqotay dalka kaliya ee Afrika u sharxan tartanka ka mid noqoshada Golaha Amniga ee Q/Midoobay.

Wareegii koowaad ee codeynta waxay Kenya weysay 3/2 codadkii loo baahnaa, iyadoo heshay 34 cod, waxayna Jabuuti markaasi hesahy 15 cod.

Dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageertay ololaha dowladda Jabuuti ay kaga mid noqon laheyn Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey,kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tegay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories