HomeWararGolaha Ammaanka ee QM oo Shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee QM oo Shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta ka hadashay ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan. Swan waxa uu mar kale ku celiyey in loo baahan in hannaan keliya oo heshiis lagu wada yahay lagu galo doorashada Jubaland, waxaana uu ka digay […]

- Advertisement -

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya, waxaana mas’uuliyiinta ka hadashay ka mid ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Swan waxa uu mar kale ku celiyey in loo baahan in hannaan keliya oo heshiis lagu wada yahay lagu galo doorashada Jubaland, waxaana uu ka digay qalalaase dhacay.

- Advertisement -

James Swan waxa uu ugu baaqay dhinacyada Kismaayo in si kasta oo ay ahaato natiijada doorashada berri ee Jubbaland, in looga baahan yahay inay ka fogaadaan gacan ka hadal isla markaana khilaafkooda ku xalliyaan wadahadal.

Dhinaca kale, waxaa shirkaasi kadib arrimaha Soomaaliya kalala hadlay saxaafadda Xiriiriyaaha Arrimaha SIyaasadda ee Biritan Stephen Hickey.

“Ugu horrayn doorashooyinka Jubbaland ee dhacay berri wa amuhiim inay ku dhacaan amni, nabadgelyo iyo daah furnaan. Waxaa taasi xigta doorashada 2020-ka, waxaana loo baahan yahay bartilmaameedyo ay tahay inay dawladdu hanato ka hor doorashada, waxaa kale oo aan diiradda saaraynaa amniga xilliga kala-guurka ah si ciidamada Soomaalida ay mas’uuliyadda amniga ugala wareegaan ciiddamada AMISOM ee haatan ku sugan waddanka.”

- Advertisement -

Maalinta berri ah ayay dhacaysaa doorashada hoggaanka Jubbaland iyadoo laga cabsiq abo inay kasoo baxaan mamaullo is-garab ordaya.

Dhinaca kalena, beesha caalamka oo ka kooban Canada, Ethiopia, EU, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AU Xafiiskooda Soomaaliya, AMISOM, IGAD iyo UN-ka ayaa sheegay inay wada hadallo la sameeyeen dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta Jubbaland, isla markaana ay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha hannaan loo wada dhan yahay heshiisna lagu wada yahay oo ku saabsan doorashada Jubbaland.

Waxay beesha caalamku ugu baaqday dhinacyada inay ka fogaadaan wax kasta oo qalalaase keeni kara. Waxay sheegeen in nabadgelyada Jubaland aysan muhiim u ahayn oo keliya Jubaland balse ay muhiim u tahay horumar laga sameeyo xasilloonida siyaaso, amni, dhaqaale iyo horumar ee Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories