HomeMaqalDhageyso:-Wasiir Beyle oo ka hadlay Halka ay mareyso Arrinta Deyn Cafinta Somalia

Dhageyso:-Wasiir Beyle oo ka hadlay Halka ay mareyso Arrinta Deyn Cafinta Somalia

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka warbixiyay habsami usocdka Maaliyada ee Dalka. Wasiir Beyle oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kala duwan,waxaana kamid ah deymaha lagu leeyahay dowladda Soomaaliya iyo halka ay mareyso hanaanka deyn cafinta. Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta ka warbixiyay habsami usocdka Maaliyada ee Dalka.

Wasiir Beyle oo Shir Jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kala duwan,waxaana kamid ah deymaha lagu leeyahay dowladda Soomaaliya iyo halka ay mareyso hanaanka deyn cafinta.

- Advertisement -

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hadlay arrimaha dib-u daabicidda Shilinka Soomaaliga iyo howshiisii, Natiijadii shirkii Washington,kaasi oo uu sheegay inuu guulo ku soo dhamaaday,Hantida Qaranka oo Wasaaradda Maaliyaddu ay tiro koob ku sameysay.

Isga soo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in dowladda ay ka Go’an tahay inay hormariso dib u habeynta dhaqaalaha Dalka, taasoo muhiim u ah Dadkeena iyo Dalkeena,waxaana uu u mahadceliyay shacabka soomaaliyeed ee sida joogtada ah u la shaqeeya, canshuurta bixiyay iyo kuwa taageere intaba.

“Far kaliya Fool ma dhaqdo” waxaa waajib nagu ah in aan si wada jir ah dhamaanteen u wada shaqeyno horumarka dalka”ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

- Advertisement -

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiir Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories