HomeMaqalDhageyso:-Guddiga amniga Jubbaland oo faahfaahiyay Bandowgii lagu soo rogay Kismaayo

Dhageyso:-Guddiga amniga Jubbaland oo faahfaahiyay Bandowgii lagu soo rogay Kismaayo

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Guddiga Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faahfaahiyay ka bixiyay ammaradii shalay lagu soo rogay Magaalada Kismaayo,kuwasi oo ku aadanaa sugida amniga Magaalada inta ay socoto Doorashada Madaxweynaha Jubbaland. Guddiga amniga Jubbaland ayaa ku dhawaaqay laga bilaabo 20-bisha Agoosto oo shalay ku beegneyd in la xiray dhammaan xuduudaha Magaalada Kismaayo sida Cirka,dhulka iyo Badda,kadib War-saxaafadeed […]

- Advertisement -

Guddiga Golaha amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faahfaahiyay ka bixiyay ammaradii shalay lagu soo rogay Magaalada Kismaayo,kuwasi oo ku aadanaa sugida amniga Magaalada inta ay socoto Doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Guddiga amniga Jubbaland ayaa ku dhawaaqay laga bilaabo 20-bisha Agoosto oo shalay ku beegneyd in la xiray dhammaan xuduudaha Magaalada Kismaayo sida Cirka,dhulka iyo Badda,kadib War-saxaafadeed kasoo baxay Gudiga.

- Advertisement -

Sidoo kale Warka Guddiga ayaa waxaa lagu mamnuucay in garoonka diyaaradaha, Gaadiidka badda iyo barigga midna aan laso gali karin muddada lagu jiro doorashada Madaxweynaha Jubbaland.

Waxaa kaloo la joojiyay dhaq-dhaqaaqyo kasta oo Ciidamada maalinta Doorashada oo berri ku beegan,waxaana la faray inta aan aheyn Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM inay xeyadooda ku sugnaadaan.

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta Berri ah ay ka dhacdo Doorashada Madaxtinimada dowlad Goboleedka Jubbaland.

- Advertisement -

Go’aamadii ka soo baxay Guddiga amniga Jubbaland ayaa waxaa Warbaahinta u Akhriyay la taliyaha Madaxweynaha Jubbaland ee dhanka Amniga Generaal Cabdi Mahdi.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories