HomeWararBeesha Caalamka oo ka walaacsan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Beesha Caalamka oo ka walaacsan Doorashada Madaxweynaha Jubbaland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Beesha caalamka oo ka kooban wadamada Canada, Ethiopia, EU, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AU Xafiiskooda Soomaaliya, AMISOM, IGAD iyo UN-ka ayaa ka hadlay arrimaha Doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland. Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay wada hadallo la sameeyeen dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta Jubbaland, isla markaana ay […]

- Advertisement -

Beesha caalamka oo ka kooban wadamada Canada, Ethiopia, EU, Finland, Germany, Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States, AU Xafiiskooda Soomaaliya, AMISOM, IGAD iyo UN-ka ayaa ka hadlay arrimaha Doorashada dowlad Goboleedka Jubbaland.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay inay wada hadallo la sameeyeen dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta Jubbaland, isla markaana ay ka walaacsan yihiin maqnaanshaha hannaan loo wada dhan yahay heshiisna lagu wada yahay oo ku saabsan doorashada Jubbaland.

- Advertisement -

Waxay beesha caalamku ugu baaqday dhinacyada inay ka fogaadaan wax kasta oo qalalaase keeni kara.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in nabadgelyada Jubaland aysan muhiim u ahayn oo keliya Jubbaland,hayeeshee ay muhiim u tahay horumar laga sameeyo xasilloonida siyaaso, amni, dhaqaale iyo horumar ee Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta Berri ay ka dhacdo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland
.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories