HomeWararShacabka Suudaan oo ka hadlay Maxkamadeynta Al-Bashiir

Shacabka Suudaan oo ka hadlay Maxkamadeynta Al-Bashiir

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xassan Al-bashiir ayaa Isniintii shalay ka soo muuqday Maxkamad si uu u wajaho eedo dhinaca musuqa ah, afar bilood ka dib markii miltariga dalkaasi ay xukunka xoog uga rideen. Bashir, oo dalkaasi oo xukumayay muddo 30 sanadood ah ayaa ku eedeysay inuu si sharci darra ah u heystay lacag […]

- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xassan Al-bashiir ayaa Isniintii shalay ka soo muuqday Maxkamad si uu u wajaho eedo dhinaca musuqa ah, afar bilood ka dib markii miltariga dalkaasi ay xukunka xoog uga rideen.

Bashir, oo dalkaasi oo xukumayay muddo 30 sanadood ah ayaa ku eedeysay inuu si sharci darra ah u heystay lacag qalaad iyo inuu hadiyado ku helay si sharci darro ah.

- Advertisement -

Sida uu sheegay dambi baare maxkamadda ka hor hadlay, al-Bashiir ayaa u sheegay baarayaasha in malaayiin dollar oo kaash ah uu ka helay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Khartoum ayaan la dhicin maxkamadeynta Al-Bashiir iyagoo ku tilmaamay mid aan ku fileyn oo soo daahday.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada Dagaalka ee(ICC) ayaa ku eedeysay al-Bashiir dambiyo dagaal, kuwo ka dhan ah bani aadnimada iyo xasuuq uu ka geystay gobolka Darfuur.

- Advertisement -

Bishii may, ayaa sidoo kale Bashir lagu eedeeyay inuu rabshado kiciyay kuwaa oo lagu dilay dad mudaaharaadayay oo ka soo horjeestay xukunkiisa.

Al-Bashiir oo 75 sana jir ah oo ku labisnaa qamiis cad, ayaa daawanayay maxkamadeyntiisa, isagoo ku jiray meel lagu xeyndaabay maxkamadda dhexdeeda.

Mid ka mid ah qareenada difaacaya, Ahmed Ibrahim al-Tahir, ayaa u sheegay VOAda inuu ku kalsoonyahay in madaxweynihii hore uu ka adkaan doono eedahan la xiriira musuqmaasuqa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories