HomeWararSawirro:-Shir lagu Ansixinayey Siyaasadda dhuxusha Somalia oo lagu qabtay Muqdisho

Sawirro:-Shir lagu Ansixinayey Siyaasadda dhuxusha Somalia oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Kulankan oo u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasada  dhuxusha soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa hey’adda UNEP, waxaana diirada lagu Saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojinta  jaridda iyo dhoofinta dhuxusha oo laga dhaxlo nabaadguur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Xanaanada […]

- Advertisement -

Kulankan oo u jeedkiisu ahaa ansixinta Siyaasada  dhuxusha soomaaliya ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaarada Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya oo kaashaneysa hey’adda UNEP, waxaana diirada lagu Saaray sidii la isaga kaashan lahaa joojinta  jaridda iyo dhoofinta dhuxusha oo laga dhaxlo nabaadguur sababa abaaro iyo musiibooyin dabiici ah, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen  , Wasiirada Bii’ada ee  Maamul Goboleedyada, Xubno ka socday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha  oo uu ka mid ahaa Agaasimaha Bii’ada ee Xafiiska Raii’sul Wasaaraha  , Aqoonyahano , Iskaashatooyinka dhuxusha, , Haweenka ka ganacsada Dhuxusha iyo marti sharaf kale.

Qaar ka mid ah Aqoonyahanada iyo Qubarada shirka ka qeybgalay ayaa soo bandhigay xogo iyo tusaalooyin ku saabsan dhibaatada nabaad guurka, iyadoo dhinaca kale Wasiirada Maamul Goboleedyada iyo Agaasimaha Bii’ada ee Xafiiska Raii’sul Wasaaraha ay ku dheeraadeen ka hadalka cawaaqib xumada ka dhalan karta hadaan laga hortagin xaalufinta dhirta.

- Advertisement -

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen  oo Shirka furay Ayaa sharaxay u jeedada laga leeyahay ansixinta siyaasadda dhuxusha Qaranka soomaaliya oo laga shaqeenayey muddo halsano ah, wuxuuna tilmaamay in sharcigan uu horseedi doono yareynta dhibaatada deegaaneed ee ka dhalata jaridda dhirta sida Xaalufinta ,Nabaad guurka isbadalka cimiladda iyo daadadka.

Dhinace kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya  ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaashay sidii looga hortagi lahaa xaalufinta dhirta oo uu sheegay in ay dhibaatooyin badan xambaarsantahay.

Siyaasada dhuxusha Qaranka Soomaaliya ayaa loo gudbin doonaa golaha Wasiiradda Soomaaliya, Iyadoo ay xusid mudantahay in Hey’adda Qaramada Midoobay ay  horey usoo saartay Qaraar ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya.

- Advertisement -

Siyaasadda Dhuxusha

  • Waxa ay dalka ka anfacaysaa in la joojiyo dhuxusha laga dhoofiyo Dalka
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa dalka in la nidaamiyo soo saaridda, safrinta gudaha iyo isticmaalka dhuxusha
  • Waxa kale oo ay ka caawinaysaa in la helo ilo kale oo tamareed oo yareeya soo saaridda dhuxusha.
  • Siyaasadda dhuxushu waxa kale oo ay dalka ka caawinaysaa in dadka ku hawlan soo saaridda iyo ka ganacsiga dhuxusha loo helo ilo kale oo nololeed.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay keenaysaa in la yareeyo dhibaatooyinka degaaneed ee ka dhasha jarista dhirta ,sida xaalufka dhirta, nabaadguurka iyo daadadka.
  • Siyaasaddan waxa kale oo ay qeyb ka qaadanaysaa yareynta saasmeynta isbeddelka cimilada, helitaanka calafka xoolaha ,quruxda dhulka iyo ilaalinta jiritaanka Noolaha kala duwan.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories