HomeWararHirshabeelle oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay duleedka Jowhar

Hirshabeelle oo War kasoo saartay dagaalkii ka dhacay duleedka Jowhar

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saakay ka dhacay duleedka Magaalaa Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Hirshabeelle ay ku leeyihiin duleedka Jowhar,waxaana intaasi kadib dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda […]

- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal sababay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saakay ka dhacay duleedka Magaalaa Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Hirshabeelle ay ku leeyihiin duleedka Jowhar,waxaana intaasi kadib dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday.

- Advertisement -

Maxamed Kulmiye oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhacay duleedka Jowhar.

Waxaa uu sheegay Maxamed Kulmiye in Ciidamo ka tirsan qeybta 27 ee Xoogga dalka oo fariisimo Cusub ka sameeystay deeganka Carmooley ee Galbeedka Jowhar ay weerarkii saakay ku dileen 4 dagaalyahano oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Ciidanka ka tirsan qeybta 27 ee Xoogga dalka ee weerarka lagu qaaday ayuu sheegay Maxamed Kulmiye in xiligaas ay ku jireen u diyaar Garowga Howgallo Ka dhan ah Al-shabaab

- Advertisement -

Isaga oo sii hadlaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayuu sheegay in dagaalka uu uga geeriyooday hal Askari,halka qaar kamid ah Askarta Ciidanka ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Dhinaca kale War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shababa ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkaas,iyadoo sheegay inay ku dileen 6 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories