HomeWararDaacish-ta Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka Itoobiya u wareegeyso

Daacish-ta Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay dalka Itoobiya u wareegeyso

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Muuqaal ay baahisay kooxda la magac baxday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa lagu sheegay inay qorsheyneyso in ay u wareegato dhinaca dalka Itoobiya. Muuqaalkan oo socday muddo saddex daqiiqo ah, islamarkaana ay baahisay kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa ku baxayey Afka Amxaariga. Daacish ayaa dooneyso in ay ka faa’iideysato deganaansho la’aanta ka dhalatay […]

- Advertisement -

Muuqaal ay baahisay kooxda la magac baxday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa lagu sheegay inay qorsheyneyso in ay u wareegato dhinaca dalka Itoobiya.

Muuqaalkan oo socday muddo saddex daqiiqo ah, islamarkaana ay baahisay kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa ku baxayey Afka Amxaariga.

- Advertisement -

Daacish ayaa dooneyso in ay ka faa’iideysato deganaansho la’aanta ka dhalatay qowmiyadaha is diiddan ee dalkaasi, sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha amniga ee Geeska Africa.

Kooxda Daacish oo ka dagaalanta dhulka Buuraleyda ee Puntland ayaa horay u soo bandhigtay dagaalyahanno Itoobiyaan ahaa oo ku dhintay dagaallada ay ka wado gudaha Soomaaliya.

Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh Cabduqaadir Cali Muumin, waxaana ka barbar dagaalama dagaalyahanno badan isugu jira Soomaali iyo Ajaaaniib intaba.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories