HomeWararAxmed Madoobe “Arrimaha siyaasadda waxaan doneynaa inaan Dowladda Federaalka kala shaqeyno”

Axmed Madoobe “Arrimaha siyaasadda waxaan doneynaa inaan Dowladda Federaalka kala shaqeyno”

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ah oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Jubbaland ayaa  Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ka hor jeediyay Khudbadiisa Musharaxtinimo. Musharax Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo kala duwan oo u badan waxyaabihii u qabsoomay inta uu xilka haayay iyo kuwa uu doonayo hadii […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ah oo ah Musharax u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Jubbaland ayaa  Maanta Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ka hor jeediyay Khudbadiisa Musharaxtinimo.

Musharax Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo kala duwan oo u badan waxyaabihii u qabsoomay inta uu xilka haayay iyo kuwa uu doonayo hadii markale xilka loo doorto inuu qabto.

- Advertisement -

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay in Arrimaha siyaasadda ay doonayan inay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala shaqeeyaan, talaabo walba oo dhanka hormarka loo qaadayo yaraynta baahida iyo daruufaha dadkeenna.

Musharrax Axmed Maxamed Islaam “Arrimaha siyaasadda waxaan doneynaa inaan DFS kala shaqeyno talaabo walba oo dhanka hormarka loo qaadayo yaraynta baahida iyo daruufaha dadkeenna, ka shaqeynta hormarinta bulshada ayaan ka wada shaqaynaynaa iyo dhammaan maamul wanaaga”.ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu tilmaamay in Jubbaland ay ka faa’iiday Arrimaha dib u dejinta dadka Qaxootiga ka soo laabtay,kuwaasi oo uu sheegay in  shaqo wanaagsan ka hayaan hay’adaha dowladda.

- Advertisement -

“Arrimaha dib u dejinta dadka Qaxootiga ka soo laabtay waxaan hubaa inaan ka faa’idnay dadka dalka dib ugu soo laabtay oo ay shaqo wanaagsan ka hayaan hay’adaha dowladda waxaan ka sii shaqeyn donaana arrimaha dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed”.ayuu sii raaciyay.

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa ka socota hadal-jeedinta Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland.

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories