HomeWararAxmed Karaash oo ka hor-yimid tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Puntland

Axmed Karaash oo ka hor-yimid tallaabo uu qaaday Madaxweynaha Puntland

Date:

Related stories

Somalia Completes First Legal Internship for 34 Women Lawyers

Thirty-four women lawyers complete Somalia's first national legal empowerment internship, boosting female representation across courts and prosecution services.

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan Maamulka Somaliland ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay,hayeeshee ayaa waxaa arrintaasi ka hor yimid Madaxweyne ku-xigeenka Puntland. War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland aan […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan Maamulka Somaliland ugu baaqay in wada-hadal lagu dhammeeyo muranka ka taagan dhulka ay Somaliland qabsatay,hayeeshee ayaa waxaa arrintaasi ka hor yimid Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa lagu sheegay in Puntland aan wax gorgortan ah Somaliland lagala laga geli karin midnimada iyo xuduudaha Puntland ee Sool Sanaag iyo Cayn.

- Advertisement -

Sidoo kale Warka ka soo baxay Axmed Karaash lagu sheegay in qodobka 7-aad ee Dastuurka dowlad Puntland uu cadeeynayo in aan wax gorgortan iyo wada-hadal ah laga geli karin xuduudaha Dastuuriga ah ee Puntland gaar ahaanna dhulka Sool sanaag iyo Cayn ay ka haysato Somaliland.

“Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Soomaaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey , wadahadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa”ayuu yiri dhawaan Madaxweynaha maamulka Puntland.

Dhinaca kale Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka horyimid Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Jubbaland ee uu magacaabay Madaxweyne Saciid Deni,waxaana Axmed Karaash uu Guddigaas uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci darro ah.

- Advertisement -

 Hoos ka Akhriso Qoraalka ka soo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

 

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories