HomeWararAl-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Saldhig Ciidan oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka maamulka Hirshabeelle ay ku leeyihiin duleedka Jowhar. Weerarka kadib ayaa waxaa halkaas ka bilowday dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxaana […]

- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku waramayaan in dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen Saldhig Ciidanka maamulka Hirshabeelle ay ku leeyihiin duleedka Jowhar.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaas ka bilowday dagaal u dhexeeyay Ciidamada dowlada iyo Al-shabaabkii weerarka soo qaaday,waxaana dagaalka uu socday muddo kooban wallow markii dambe uu istaagay.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay saakay Waaberigii hore ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab.

Khasaaro kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhashay dagaalkii ka dhacay duleedka Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Al-shababa ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada weerarkaas,iyadoo sheegay inay ku dileen 6 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda.

- Advertisement -

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegay in muddo kooban ay la wareegeen gacanta ku heynta Saldhiga ay lahaayeen Ciidanka Hirshabeelle,isla markaana ay ka qaateen saanado melleteri iyo agabyo  kale,hayeeshee ma jiro warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories