HomeWararSawirro:-Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland oo la Dhaariyey

Sawirro:-Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland oo la Dhaariyey

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe. Dhaarta kadib Madaxweynaha Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Guddiga Kumeel-gaar ka ah ee Doorashooyinka Puntland oo maanta ka qabsoontay qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Dhaarta kadib Madaxweynaha Puntland ayaa ku baraarujiyey xubnaha Guddiga inay sugayso shaqo muhiim ah oo kamid ah Axdi Qarameedkii Puntland lagu dhisay, taasi oo ah in dalka la gaadhsiiyo doorasho dimuquraadiya oo hal qof iyo hal cod ah.

- Advertisement -

“Sharafweyn bay ii tahay inaan maanta goobjoog ka ahaado dhaartiina, waxay tusaale u tahay sida Puntland ay uga go’antahay in dalkan marxalad doorasho uu galo, balanqaadkeena ayay ka mid ahayd, iyadoo hawlo farabadan ay dalka yaaliin, hadana wakhti aad u badan ayaan siinay sidii gudigan uu u dhismilahaa, waxaan marka ugu horaysa u mahadcelinayaa Guddoonka Baarlamaanka sida dastuurku uu qabey, iyagoo la-tashiyo sameeyey inay soo gudbiyaan xubnaha dastuurku uu u ogolaaday ee Afarta ah.”
Dhinaca kale Madaxweynaha Deni ayaa Guddiga u xaqiiyey inaanay dhanka dowladda kaga imaan-doonin duruufo siyaasadeed oo caqabad ku noqda shaqadooda.

“Duruufaha imaandoona anuu ka waramimaayo oo cilmi qayb ma ihi, waxaan cadaynayaa duruufo siyaasadeed oo dowladda ka yimid inaanay caqabad ku noqondoonin doorashada, wixii kale idinkaa u joogidoona, waxaan kaloo ku kalsoonahay maanta iyo shalay inay kala duwan tahay oo dadku maanta u bisilyahay nidaamka dimuquraadiga ah, waxaana daliil u ah doorashadii dhowayd qaybo kamida qabaa’ilada doorasho ayay kusoo xuleen xildhibaanadooda halkii uu hal qof qorilahaa”. Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddiga u xaqiijiyey in dowladdu wajibaadkeeda iyo taggeeradeeda shaqo, dhaqaale iyo taloba diyaar ulatahay, waxaana uu xusay in iyagana lagarabo shaqo hufan oo wakhtiyaysan, isla markaana waxa uu tilmamaay inay sida ugu dhakhsiyaha badan u qabtaan Doorashooyinka Dowladdaha Hoose, talo iyo shaqo badan kadib.

- Advertisement -

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories