HomeWararSaraakiisha Ciidanka Dowladda oo sheegay inay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo sheegay inay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray duleedka deegaanka Bariirre ee Gobolkaas. Dagaalkan  ayaa waxaa la sheegay in markii uu yimid kadib Al-shabaab ay weerar xoogan ku soo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka […]

- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Ciidanka Xoogga dalka iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab uu dagaal xoogan ku dhexmaray duleedka deegaanka Bariirre ee Gobolkaas.

Dagaalkan  ayaa waxaa la sheegay in markii uu yimid kadib Al-shabaab ay weerar xoogan ku soo qaadeen Saldhig Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Bariirre,isla markaana waxaa intaasi kadib dagaal Culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

General Odawaa Yuusuf Raagge Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay Bariirre ay Al-shabaab uga dileen 20 dagaalyahano oo ka tirsnaa.

Sidoo kale Taliyaha ayaa tilmaamay in dagaalamayaashkii ka tirsanaa Al-shabaab ee dagaalka la dilay ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Saldhig ciidanku ku lahaayeen duleedka Bariire.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ka wadeen dhaq-dhaqaayo Ciidan,iyagoona dhawaan  Al-shabaab kala wareegay Degmada Awdheegle ee Gobolkaas.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories