HomeWararMaxkamadda Sare ee Ciidamada oo mar kale saakay xukun Riday

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo mar kale saakay xukun Riday

Date:

Related stories

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweyne Xasan oo tababar u soo xiray saraakiil

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray saraakiil ka qalin jebiyay Dugsiga TURKSOM, isagoo ku bogaadiyay dadaalkooda iyo adkaysigooda.

Dowladda iyo Mucaaradka oo isku afgartay wadahadal

Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaa isku raacay in la sii wado wadahallada ku saabsan hannaanka doorashooyinka, iyadoo la hiigsanayo in shacabku si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka.

Wasiir Soomaali oo kulan la yeeshay Bangiga Adduunka

Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed Soomaali oo Geneva kulan la yeeshay Bangiga Adduunka, isagoo ka hadlay Qorshaha Qaran ee DPI iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wasiir Soomaali oo Geneva ku soo bandhigay horumarka dijitaalka Soomaaliya

WSIS+20 oo ka dhacaya Geneva ma Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka hormoodka ah?

Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa saakay Mar kale xukun Dil ah ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Booliska maamulkaas. Yaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Booliiska Koonfur Galbeed oo racfaan ka qaatay Xukun Maxkamadda Darajada 1aad ku riday  ayaa Maxkamada sare Dil ku xukuntay. Sidoo kale Yaasiin […]

- Advertisement -

Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa saakay Mar kale xukun Dil ah ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Booliska maamulkaas.

Yaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Booliiska Koonfur Galbeed oo racfaan ka qaatay Xukun Maxkamadda Darajada 1aad ku riday  ayaa Maxkamada sare Dil ku xukuntay.

- Advertisement -

Sidoo kale Yaasiin Maxamed ayaa waxaa loo heystaa inuu dil bareera u gaystay marxuum lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Aadan Isaaq Ibraahim.

Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun Dil ah ku riday racfaanle Xuseen Maxamed Cabdinuur oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed,kaasi oo loo haysto Dilka Maxamed Guuloow Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska.

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed u fariisatay dhageysiga kiiska rag dilal kala duwan ku eedeysnaa kadib racfaan ay ka qaateen Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 60-aad.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories