HomeWararDFS oo taageereysa ololaha Jabuuti ee kamid noqoshada Golaha Ammaanka QM

DFS oo taageereysa ololaha Jabuuti ee kamid noqoshada Golaha Ammaanka QM

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa […]

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa maanta wada hadallo wax ku ool ah la yeeshay dhiggiisa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan oo ka warbixiyay kulanka ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa sheegay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinnimo iyo wax wada qabsiga labada dal.

- Advertisement -

Wasiir Canshuur ayaa yiri “Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa horumarka iyo wax wada qabsiga labada dal ee walaalaha ah.”

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ka warbixiyay kulanka ayaa xusay in labada dhinac ay isla lafo-gureen arrimo masiiri ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha ka taagan Gobolka isaga oo bogaadiyey guulaha ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dhawaan ka gaareen dagaalka lagu la jiro kooxaha argagaxisada.

“Walaalaheenna Soomaaliya aad ayaan ugu hambalyeynaynaa sida ay maamulka iyo talada Soomaaliya u wadaan, aad ayaan Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa ugu hambalyeynaynaa la dagaalanka argagaxisada sida ay uga shaqaynayaan iyo sida ay u xoojinayaan deganaanshaha iyo xasiloonida dalka.”

- Advertisement -

“Arrimaha gobolka ayaa laga xaajoonayaa. Suudaan wadcigeeda waad arkaysaan, Koonfur Suudan waa sidaas si lamid ah, Yemen oo aan naga fogaynaya dhibaatooyin badan ayaa ka taagan. Sidoo kale Jabuuti waxay tartan ugu jirtaa inay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey xubin ka noqoto, taageero ayaana ka sugaynaa walaaleheenna Soomaaliya.” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo Danjiraha Soomaaliya ee Jabuuti Mudane Maxamed Cali Nuur.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories