HomeWararWakiilka QM ee Somalia oo fariin adeg u diray Guddiga Doorashada Jubbaland

Wakiilka QM ee Somalia oo fariin adeg u diray Guddiga Doorashada Jubbaland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo dhawaan uu ka dalbaday inay fuliyaan Guddiga Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland,kadib markii dhawaan uu tegay Kismaayo. James Swan ayaa Guddiga Doorashada Jubbaland ka Codsaday inay si toos ah u fuliyaan qodobo uu hordhigay Guddigaas,kuwaasi oo uu kamid ahaa in Doorashada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu ka hadlay qodobo dhawaan uu ka dalbaday inay fuliyaan Guddiga Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland,kadib markii dhawaan uu tegay Kismaayo.

James Swan ayaa Guddiga Doorashada Jubbaland ka Codsaday inay si toos ah u fuliyaan qodobo uu hordhigay Guddigaas,kuwaasi oo uu kamid ahaa in Doorashada Madaxweynaha Jubbaland dib loo dhigo,isla markaana arrintaas uu Guddiga fuliyay,isagoona uga mahadceliyay.

- Advertisement -

War qoraal ah oo Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya u diray guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre ayuu ku sheegay in weli aysan Guddigiisa buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado.

Sidoo kale James Swan ayaa Carabka ku dhuftay in aysan aqoonsanaan doonin Natiijo kasta oo ka soo baxda Doorashada Jubbaland hadii aan si dhab ah loo fulin qaar kamid ah qodobadii uu ka Codsaday Guddiga Doorashada.

Shalay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa lagu qabtay Doorashada Guddoonka Cusub Baarlamaanka Jubbaland,hayeeshee waxaa dhammaan dib u soo laabtay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulkaas iyo labadiisa ku-xigeen.

- Advertisement -

Dhinaca kale Doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu wadaa inay dhacdo 22-ka Bisha oo ku beegan Khamiista soo socota.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts