HomeWararFaah faahin:-Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Magaalada Jowhar

Faah faahin:-Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Magaalada Jowhar

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle waxaa ay ku dileen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Magaaladaas. Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsanaa Jowhar,isla markaana waxaa Sarkaalka u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado,kuwaasi oo goobta ka baxsaday. Dad goobjoogayaal ah ayaa […]

- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa xalay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle waxaa ay ku dileen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Magaaladaas.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsanaa Jowhar,isla markaana waxaa Sarkaalka u geystay rag dhalinyaro ah oo watay Bastoolado,kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

- Advertisement -

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Ciidamo Booliska ay tegeen goobta uu falka ka dhacay,iyadoo halkaas ka qaaday Meydka Saraalka la dilay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayan in Ciidanka dowladda xalay Jowhar ay ka sameeyeen Howlgal lagu raadinayo ragii  fuliyay dilkii ka dhacay halkaas,hayeeshee weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga Jowhar.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyiyada dilkii loo geystay Saraalka ka tirsanaa Ciidanka dowladda,iyadoo sheegay in ragii fuliyay dilka ay horey usoo qaateen Qori A74 uu watay Sarkaalka.

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan,waxaana inta  badan Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories