HomeWararCiidanka Dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Ciidanka Dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo

Date:

Related stories

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka sameeyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Gedo. Inta uu socday Howlgalka Ciidamada dowladda ayaa waxaa kula wareegeen tuulooyin dhowr oo ka tirsan Gobolka Gedo,halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada […]

- Advertisement -

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ay ka sameeyeen tuulooyin ka tirsan Gobolka Gedo.

Inta uu socday Howlgalka Ciidamada dowladda ayaa waxaa kula wareegeen tuulooyin dhowr oo ka tirsan Gobolka Gedo,halkaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

- Advertisement -

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamadu ay la wareegeen tuulooyin ay ku sugnaayeen Al-shabaab,waxaana kamid ah Cabdi afeey iyo Baar-macallin oo hoos yimaada degmada Baardheere.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in shidaal iyo agab kale oo ay lahaayeen Al-shabaab ay la wareegeen Ciidamada dowladda ee fuliyay howlgalkaas.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa deegaano ka tirsan Gobolada dalka waxaa ay ka wadaan howlgalo ay ku doonayan in Al-shabaab ay uga saaraan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories