HomeWararWaqti kordhin Cusub oo lagu sameeyay Is diiwaan-gelinta Musharaxiinta Jubbaland

Waqti kordhin Cusub oo lagu sameeyay Is diiwaan-gelinta Musharaxiinta Jubbaland

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa muddo kordhin ku sameeyay wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta aan horrey isku diiwaan galinin. War qoraal ah ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in muddo saddex  maalin ah lagu daray wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee aan horrey isku diiwaan […]

- Advertisement -

Guddiga Madaxa bannaan ee xudduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa muddo kordhin ku sameeyay wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta aan horrey isku diiwaan galinin.

War qoraal ah ay soo saareen Guddiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in muddo saddex  maalin ah lagu daray wakhtigii isdiiwaan galinta musharraxiinta Madaxweynaha Jubbaland ee aan horrey isku diiwaan galinin.

- Advertisement -

Wakhtiga isdiiwaan galinta Musharaxiinta harsan ee doonaya inay is Diiwaangeliyaan  ayaa ka bilaabaneysa 17-da bishaan oo ku beegan Maanta,isla markaana waxaa ay ku egtahay 19-ka Bishan August 2019

Doorashada Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa iyana ku yimid dhib u dhac taasi oo lagu waday inay dhacdo 19-ka Bishan,hayeeshee la filayaa in la qabto 22-ka bishaan oo ku beegan Khamiista soo socota.

Shalay ayay aheyd markii qaar kamid Musharaxiinta u taagan qabasha xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland ee Is diiwaangeliyay ka soo horjeesteen in waqti kordhin lagu sameeyo Is diiwaangelinta Musharaxiinta.

- Advertisement -

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James swan oo dhawaan gaaray Magaalada Kismaayo ayaa Madaxda Jubbaland iyo Guddiga doorashada ka Codsaday in muddo kordhin lagu sameeyo waqtiga Is diiwaangelinta Musharaxiinta si ay isugu Diiwaangeliyaan Musharaxiinta harsan.

Hoos ka akhriso Qoraalka ka soo baxay Guddiga Doorashada Jubbaland oo lagu qoray Luuqa Engalish-ka.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories