HomeWararGuddoonkii hore ee Baarlamaanka Jubbaland oo Dib loo wada doortay

Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Jubbaland oo Dib loo wada doortay

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo ku-xigeenadiisa. Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland. Aadan Khaliif Xaaji ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland,halka Cabdi Baaleey Xuseen isna loo doortay […]

- Advertisement -

Magaalada Kismaayo ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland iyo ku-xigeenadiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ayaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan u doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Jubbaland.

- Advertisement -

Aadan Khaliif Xaaji ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland,halka Cabdi Baaleey Xuseen isna loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland.

Aadan Khaliif ma jirin wax Musharax ah oo la tartamay,waxaana Xildhibaanada ku doorteen Cod gacan taag ah,isagoo helay 72 cod.

Sidoo kale Cabdi Baaleey Xuseen ayaa waxaa tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa,sidaasina ayay Xildhibaanada Cod gacan taag ah ku Doorteen,waxaan uu helay 73 Cod.

- Advertisement -

Dhammaan Guddoonkii hore ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah u soo wada noqday,kuwaasi oo Afartii sano ee la soo dhaafay soo shaqeeyay.

Sidoo kale hoolka ay Doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku wada sugnaa, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

Ammaanka goobta doorashadu ka dhaceysay ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana waxaa si Wadajir ah u sugaya Ciidamada nabadgalyada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo kuwa Midowa Afrika ee Ciidamada AMISOM.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories