HomeWararGuddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Jubbaland oo Gacan taag lagu doortay

Guddoomiye ku-xigeenada Baarlamaanka Jubbaland oo Gacan taag lagu doortay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka maamulkaas. Aadan Khaliif Xaaji ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland,halka Cabdi Baaleey Xuseen isna loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland. Aadan Khaliif ma jirin wax Musharax ah oo la tartamay,waxaana Xildhibaanada […]

- Advertisement -

Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Magaalada Kismaayo ku doortay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka maamulkaas.

Aadan Khaliif Xaaji ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Jubbaland,halka Cabdi Baaleey Xuseen isna loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Jubbaland.

- Advertisement -

Aadan Khaliif ma jirin wax Musharax ah oo la tartamay,waxaana Xildhibaanada ku doorteen Cod gacan taag ah,isagoo helay 72 cod.

Sidoo kale Cabdi Baaleey Xuseen ayaa waxaa tanaasulay Musharaxii la tartami lahaa,sidaasina ayay Xildhibaanada Cod gacan taag ah ku Doorteen,waxaan uu helay 73 Cod.

Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland ayaa Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Jubbaland mar kale u doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka maamulkaas.

- Advertisement -

Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa helay55,waxaana la tartamay Xuseen Shiinow Cali oo isna helay 18 Cod.

Hoolka doorashada ka socotay ayaa waxaa ku wada sugnaa, Xildhibaanada Jubaland ee la dhaariyey dhammaantood,Odayaasha dhaqanka, Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo marti-sharaf kale.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories