HomeWararMuxuu yahay Heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia & Turkiga ee Maanta la...

Muxuu yahay Heshiiska ay kala saxiixdeen Somalia & Turkiga ee Maanta la Ansixiyay?

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay shir toddobaadkii uu golaha yeesho maalinta khamiista ayaa ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda Shaqada,Daryeelka Bulshada iyo Qoyska  ee Jamhuuriyada Turkiga. Is afgaradka oo ku saabsan qaybaha shaqada iyo shaqaaleynta,una dhexeeya dowladda […]

- Advertisement -

Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay shir toddobaadkii uu golaha yeesho maalinta khamiista ayaa ansixiyay heshiis is afgarad oo u dhaxeeyay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wasaaradda Shaqada,Daryeelka Bulshada iyo Qoyska  ee Jamhuuriyada Turkiga.

Is afgaradka oo ku saabsan qaybaha shaqada iyo shaqaaleynta,una dhexeeya dowladda Jumhuuriyada Turkiga iyo dowladda Federaalka ee Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa dhinacyada waxaa ay iska kaashanayaan taququsyada la xiriira shaqada iyo shaqaaleysiinta.

- Advertisement -

Labada wasaaradood waxay is dhafsan doonaan dokomiintiyada iyo macluumaadka la xiriira shuruudaha iyo wax ka beddelkooda,iyada oo guddi wada-jir ah uu ka shaqeynayo fulintinta iyo xaqiijinta arrimaha la xiriira heshiiska.

Heshiiskan is afgaradka ah ayaa horay waxaa u ansixiyay golaha wasiirrada ee Jamhuuriyada Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa golaha wasiirrada uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan is afgaradka ah, wuxuuna caddeeyay heshiiskan oo mari doona Baarlamaanka inuu muhiimad ballaaran u leeyahay Soomaaliya.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories