HomeWararHogaamiyaha Shiicada Nigeria oo sun jirkiisa laga helay

Hogaamiyaha Shiicada Nigeria oo sun jirkiisa laga helay

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria oo xaalad caafimaad u joogo dalka Hindiya ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC.. Waxaa isbitaalka ku sugan ciidammo boolis ah oo ilaalinayo. Ibrahim Zakzaky ayaa kamid ahaa boqolaal ka tirsan Shiicada Nigeria oo xabsiga […]

- Advertisement -

Hogaamiyaha Shiicada dalka Nigeria oo xaalad caafimaad u joogo dalka Hindiya ayaa la xanuunsan sunta maadada Lead-ka oo jirkiisa saameysay kaddib markii ay ku dhacday rasaas, sida gabadh uu dhalay ay u sheegtay BBC..

Waxaa isbitaalka ku sugan ciidammo boolis ah oo ilaalinayo.

- Advertisement -

Ibrahim Zakzaky ayaa kamid ahaa boqolaal ka tirsan Shiicada Nigeria oo xabsiga loo taxaabay sanadkii 2015-kii kaddib markii ay rabshado dhexmareen taageerayaashiisa iyo booliska dalkaas, waxaana rabshadahaas ku dhintay 350 qof.

Wadaadka iyo xaaskiisa ayaa in muddo xirnaa waxaana dhawaan xabsiga laga sii daayay oo loo ogolaaday in xaalad caafimaad dalka dibaddiisa loogu qaado.

Gabadha uu dhalay wadaadka, Suheyla Zakzaky ayaa sheegtay in sunta ay ku baahday jirkiisa kaddib markii rasaas ciidammada militariga Nigeria ay ku fureen gurigiisa sanadkii 2015-kii.

- Advertisement -

Waxay intaas ku dartay in aabaheed ay isha kaga jirto sunta isla markaasna uu maray qalliin si looga saaro.

Xigasho BBC-Somali

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories