HomeWararBarakac ka bilowday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose

Barakac ka bilowday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay iskaga barakacaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii shalay Alshabaab weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qaadeen deegaankaas. Dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkodaba loo adeegsado Warbaahinta ayaa dalsan u xaqiijiyay in ay iskaga soo carareen magaalada Awdheegle iyaga oo ka […]

- Advertisement -

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay iskaga barakacaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii shalay Alshabaab weerar qaraxyo ku bilowday ay ku qaadeen deegaankaas.

Dadka deegaanka oo diiday in magacooda iyo codkodaba loo adeegsado Warbaahinta ayaa dalsan u xaqiijiyay in ay iskaga soo carareen magaalada Awdheegle iyaga oo ka baqanaya in mar kale uu dagaal ku qabsado halkaas.

- Advertisement -

Inta badan dadka ku noolaa degmada ee ka soo barakacay Awdheegle ayaa soo gaaray degmada Afgooye iyo deegaano kale oo hoos taga welina qaarkood ayaa ku jira jidadka oo halkii ay rabeen aan soo gaarin.

Tan iyo markii shalay weerarku ka dhacay Awdheegle waxaa la soo sheegayaa in uusan jirin wax ganacsi ah oo shaqeynaya gebi ahana waxaa xiran goobihii ganacsiga ee dadku ay badeecooyinka kala duwan ka heli jireen.

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories