HomeWararWararkii ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hose

Wararkii ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hose

Date:

Related stories

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo lala eegtay saldhig ciidamada dowladdu ay kuleeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. Qaraxaas waxaa xigay rasaas toos ah oo dhex martay debleydii weerarka soo qaadday iyo ciidamadii Milatariga ahaa ee u sugnaa saldhigga […]

- Advertisement -

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo lala eegtay saldhig ciidamada dowladdu ay kuleeyihiin degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qaraxaas waxaa xigay rasaas toos ah oo dhex martay debleydii weerarka soo qaadday iyo ciidamadii Milatariga ahaa ee u sugnaa saldhigga la weeraray,iyada oo daqiiqado kadib intii ay socotay rasaastana qarax labaad uu dhacay.

- Advertisement -

Saraakil ka tirsan dowladda oo ku sugan deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa u sheegay dalsan in qarxay  gaari isla markaana ay ka hor tageen werar la damacsanaa xerada.

Warar hor dhac ah oo laga helayo khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa sheegay in ay jirto waxyeelo soo gaartay ciidamadii ku sugnaa saldhiga oo dhawaan ay ka sameyteen Awdheegle sidoo kalana dadka ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid ah Allaha u naxariistee Gacal Cabdalla Gacal oo ahaa muuqaal duube ka shaqeynayay Idacada codka ciidamada qalabka sida.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaan waxaana ay sheegeen in weerar ismiidaamin ah ay ku qaadeen saldhig milatariga Somalia ay ku leeyihiin Awdheegle kuna dilen tobaneeyo ka tirsan askartii ku sugneed halkaas sida ay hadalka u dhigeen.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories