HomeWararSawirro:- Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la wareegtay Nuqul ka...

Sawirro:- Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la wareegtay Nuqul ka mid ah Habraacyada ay ku shaqayn lahayd Hey’adda Dhismaha waddooyinka

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Shir Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta ay kulla wareegaysay Nuqulo ka mid ah Habraacyada ay ku shaqayn lahayd Hey’adda Jidadka Soomaaliyeed (Somali National Highway Authority) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaciil, Madaxa Haayadda GIZ, Xubno kasocda Midowga Yurub (EU), Xafiiska Madaxwaynaha, Agaasimaha Guud & Qaar […]

- Advertisement -

Shir Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta ay kulla wareegaysay Nuqulo ka mid ah Habraacyada ay ku shaqayn lahayd Hey’adda Jidadka Soomaaliyeed (Somali National Highway Authority) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaciil, Madaxa Haayadda GIZ, Xubno kasocda Midowga Yurub (EU), Xafiiska Madaxwaynaha, Agaasimaha Guud & Qaar kamid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda ayaa kaqayb galaya.

- Advertisement -

Intii uu shirku Socday ayaa Christoph Schmidt oo kasocda Haayadda GIZ & Abdiwali Mohamed oo kasocda Haayadda Jidadka Soomaaliyeed SNHA Waxa ay madasha ku soobandhigeen Wax qabadka haayadda Waddooyinka Soomaaliyeed intii ay jirtay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Mudane Jamaal Xasan Ismaciil oo sooxiray shirka ayaa u mahadceliyey kasooqayb galayaasha Shirka iyo Shaqadii adkayd ee lasooqabtay “Runtii aad baan ugu faraxsanahay in GIZ, EU & Wasaaraduba oo Hawshan (Somali National Highway Authority) aan iskala shaqaynay, Sidaa darteed Shirkeenii maanta kalawareejinta ahaa qalabkii inoo dhinaa iyadoo hawshu ay wali inoosii socondoonto aynan intaa uga hadhaynin, Anaguna wixii kale ee kadhiman ayaan dhamaystiri doonaa” . Ayuu yiri wasiir kuxigeenka

Hayadda Jidadka Soomaaliyeed ayaa kamid ah Haayadahii madaxa banaanaa ee hoos imaanjiray Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhowaan ayaa dib loo hawlgaliyey waxaana wali socda dhamaytirka Shaqada haayadda.

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories