HomeWararMaxaa ka jira Saraakiil Sirdoon oo ka socota Itoobiya in ay gaareen...

Maxaa ka jira Saraakiil Sirdoon oo ka socota Itoobiya in ay gaareen Kismaayo?

Date:

Related stories

Turkiga oo $1 bilyan maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay e-Visa

Turkiga oo $1 bilyan ku maal-gashaday Soomaaliya balse ka reebay muwaadiniinta Soomaaliyeed nidaamka e-Visa, iyadoo ay tahay inay fiisooyinka ka soo gudbiyaan safaaradaha. Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka wada hadasho Turkiga si loo xalliyo arrintan.

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada madaxtinimo ee maamulka Jubbaland taas oo la filayo  maalmaha soo socda in lagu qabto gudaha magaalada Ksimaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland. Tan iyo shalay markii la dhaariyay xubnaha baarlamaanka maamulkaas waxaa soo ifbaxayay walaac la xiriira doorashada iyo qaabka ay ku qabsoomi karto maadaama xildhibaano […]

- Advertisement -

Waxaa si weyn isha loogu hayaa doorashada madaxtinimo ee maamulka Jubbaland taas oo la filayo  maalmaha soo socda in lagu qabto gudaha magaalada Ksimaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Tan iyo shalay markii la dhaariyay xubnaha baarlamaanka maamulkaas waxaa soo ifbaxayay walaac la xiriira doorashada iyo qaabka ay ku qabsoomi karto maadaama xildhibaano kale ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta mucaaradka ah ee danaynaysa madaxtinimada ee maamulkaas.

- Advertisement -

Dhinaca kalana warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ay ka degeen saraakiil dhinaca Sirdoonka ah oo ka socota dowladda Itoobiya kuwaas oo danaynaya in ay galaan gal ku yeeshaan doorashada.

Saraakiishaan ayaa la sheegay in shalay qaab qarsoodi ah ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho isla markaana ay kulamo kula qaadan doonaan Kismaayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Doorashada Jubbaland ayaa la rumaysanyahay in walaac fara badan ku gadaamanyahay marka loo eego hanaanka ay wax ku socdaan dowaladda fedraalka iyo Beesha caalamku  wax war ah kama soo saarin liiska xildhibaanada ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka sidoo kalana shalay lagu dhaariyay isla Kismayo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories