HomeWararKenya oo mar kale ku celisay inay difaaci doonaan Xuduud-baddeedka ay sheeganayaan

Kenya oo mar kale ku celisay inay difaaci doonaan Xuduud-baddeedka ay sheeganayaan

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Waxaa sii kordhaya Dagaalka dhinaca Afka ee ay Dowladda Kenya iyo Warbaahintooda ku  muujinayaan inay ka go’an tahay inay difaacdaan Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, taasi  oo ay Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka ee ICJ go’aan ka gaari doonto bisha soo socota ee September. Afhayeenka Dowladda Kenya, Cyrus Oguna waxa uu mar kale sheegay inay Kenya iska difaaci doonaan […]

- Advertisement -

Waxaa sii kordhaya Dagaalka dhinaca Afka ee ay Dowladda Kenya iyo Warbaahintooda ku  muujinayaan inay ka go’an tahay inay difaacdaan Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay, taasi  oo ay Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka ee ICJ go’aan ka gaari doonto bisha soo socota ee September.

Afhayeenka Dowladda Kenya, Cyrus Oguna waxa uu mar kale sheegay inay Kenya iska difaaci doonaan nooc kasta oo weerar ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

- Advertisement -

Hadalkiisa ayaa u muuqday inuu kaga jawaabay Wararka ku aadan inay Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka Somalia u codeyn doonaan in Ciiddanka Kenya laga saaro gudaha Somalia, haddii ay Ciiddanka Badda ee Kenya loo daad-gureeyo Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay.

Somalia waxay dacwadda Muranka Kenya u gudbisay Maxkamadda ICJ, taasi oo la filayo inay bisha soo socoto dib u dhegeysato Kiiskaasi, waxaana laga yaabaa inay arrintaasi horseedi karo dagaal dhex mara labada Waddan.

Dhinaca kale, Wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray in loo baahan yahay inay Dowladaha Kenya iyo Somalia ka baaqsadaan dagaal ka dhex qarxa, isla markaana ay wada gaaraan Heshiis Xeer Jajab ah, si ay Kheyraadka ku jira Xuduud-baddeedka lagu murunsan yahay u kala qeybsadadaan min 50%.

- Advertisement -

 

 

Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories