HomeWararCiidamada dowladda oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Sh/hoose

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada gobolka Sh/hoose

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa y ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanada hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Barri oo dhawaan ay kala wareegeen Alshabaab. Howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada Danab gaar ahaana kuwii dhawaan lagu soo tababaray dalka Turkiga waxaana ay qeyb ka […]

- Advertisement -

Ciidamada dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa y ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose gaar ahaan deegaanada hoostaga degmooyinka Awdheegle iyo Barri oo dhawaan ay kala wareegeen Alshabaab.

Howlgalkaan ayaa waxaa qeyb ka ah ciidamada Danab gaar ahaana kuwii dhawaan lagu soo tababaray dalka Turkiga waxaana ay qeyb ka ahaayeen ciidamadii Alshabaab kala wareegay degmada Awdheegle.

- Advertisement -

Taliyaha ciidanka Lugta ee Soomaaliya Gen: Odawaa Yuusuf Raage ayaa dhowr jeer sheegay in ciidamadu ay kusii si qayaan deegaano muhiim u ahaa Al-shabaab waxaana uu kormeer ku tegay degmada Awdheegle iyo deegaano kale oo howlgaladu ka socdaan.

Alshabaab ayaa la aaminsanyahay in culeyska ugu badan ay kala kulmayaan howlgalada ka socoda gobolka Shabeellaha hoose kadib markii ay gacantooda ka baxeen tuulooyin iyo deegaano kale oo fariisimo muhiim ah u ahaa dagaalamayaasha Shabaab.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories