HomeWararXisbiga Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Liiska Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland

Xisbiga Sheekh Shariif oo War kasoo saaray Liiska Xildhibaanada Cusub ee Jubbaland

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu soo dhaweeyay liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland  ee xalay ku dhawaaqeen Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland. Xisbiga Himilo qaran ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland,waxaana uu ugu baaqay in doorashada Guddoonka […]

- Advertisement -

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa waxaa uu soo dhaweeyay liiska xubnaha cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Jubbaland  ee xalay ku dhawaaqeen Guddiga Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Xisbiga Himilo qaran ayaa bogaadiyay shaqada ay qabteen Guddiga Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland,waxaana uu ugu baaqay in doorashada Guddoonka Baarlamanka iyo Madaxweynaha loo qabto si hufan oo nabad gelyo ah.

- Advertisement -

War-saxaafadeed ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu baaqay haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u
horseedi kara dhibaato iyo burbur.

Hoos ka Akhriso Warka ka soo baxay Xisbiga Himilo Qaran.

Xisbigu wuxuu sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqayaa haddii aysan waxba ku soo kordhin karin habsami u socodka doorashooyinka ka socda Jubbaland in aysan carqaladayn, kana fogaato wax kasta oo shacabka reer Jubaland u horseedi kara dhibaato iyo burbur, iyadoo laga fakarayo dano gaar ah oo aan u adeegayn bulshada ku dhaqan Jubbaland iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Ugu danbeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu shacabka iyo mas’uuliyiinta Jubbaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan Xasilloonida iyo amniga Jubbaland, meelna uga soo wada jeestaan wax kasta oo bulshada reer Jubbaland u horseedi kara dhibaato iyo dhiig la daadiyo.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories