HomeWararSawirro:- Wiil Soomaali ah oo noqday Xaajiga ugu da’da yar Xujeyda ...

Sawirro:- Wiil Soomaali ah oo noqday Xaajiga ugu da’da yar Xujeyda sannadkan oo Qaliin lagu sameeyey

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Wiil Soomaali oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamuud  oo 4-jir ah ayaa noqday Xaajigii ugu da’da yaraa ee soo xajiyey Xajka sannadkan 1440-Hijriyah, sida ay shaaciyeen Warbaahinta Sacuudiga. Xaajiga yar oo la xajinayey Hooyadiisa ayaa yara xanuunsaday, iyadoo uu naqaska ku dhegay, waxaana loola cararay Xarunta Umul Qur’a ee Wadnaha ee  Isbitaalka khaaska u ah Carruurta […]

- Advertisement -

Wiil Soomaali oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamuud  oo 4-jir ah ayaa noqday Xaajigii ugu da’da yaraa ee soo xajiyey Xajka sannadkan 1440-Hijriyah, sida ay shaaciyeen Warbaahinta Sacuudiga.

Xaajiga yar oo la xajinayey Hooyadiisa ayaa yara xanuunsaday, iyadoo uu naqaska ku dhegay, waxaana loola cararay Xarunta Umul Qur’a ee Wadnaha ee  Isbitaalka khaaska u ah Carruurta oo ku yaalla magaalladda Maka Al-mukarama.

- Advertisement -

Baaritaan kadib, waxaa lagu sameeyey Qaliin dhinaca Wadnaha, sida ay Wasaaradda Caafimaadka Sacuudiga shaacisay.

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay inuu ilmaha yar la xanuunsanaa cuddur ku dhaca wadnaha oo xaallad naadir ah, taasi oo 8 qof laga helo kun xaalladood ee Wadna-xanuunka.

Waxaana lagu sameeyey Qaliin dhanka Wadnaha, iyadoo ay Dhakhaatiirtu sheegeen inay xaalladiisa aad u soo hagaagtay.

- Advertisement -

Mar sii horreysay Warbaahinta dalkaasi waxay sheegeen  in Xaajiga Yar ee Soomaaliga uu ku xanuunsaday Tendho ay ka deganaayeen Banka Carfo, kadib, markii uu dhibaato kala kulmay dhanka Neefsashadda oo uu naqasku ku dhegay.

Waxaana Xaajiga Yar lagu qaaday Ambalaas, iyadoo lagu xiray Qalabka Oksijiinta ee Bukaanka ka saacida dhanka Neefsashadda.

Dhinaca kale, Xaaji kale oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdulle Nuur oo da’da 50-aadka ku jiray ayaa waxa uu isagana ka mid ahaa boqolaalkii Xujeyda ee la dhigay Isbitaalladda, si loogu daaweyo xanuuno ku soo booday inta ay xajinyeen ama ay kuwo ay horey Bukaan Socod la ahaayeen.

Xaaji C/lle Nuur oo ka xanuunsanaa Wadnaha ayaa waxaa u gurmaday shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka ee Sacuudiga ee u xil saaran U-gargaarida Xujeyda, waxaana la dhigay Isbitaalka Takhasusiga ee dhanka Wadnaha.

Xaaji C/lle Nuur ayaa waxaa la filayaa in lagu sameeyo Qaliin dhanka Wadnaha, marka uu dhamaysto gudashada Waajibaadka Xajka.

Xujeyda la dhigay Isbitaalladda waxay ka soo kala jeedaan Waddamo fara badan, waxaana xanuunka ugu badan ee Xujeyda sannadkan laga daweeyey ahaayeen Wadno-xanuun,  Macaanka, Dhiig Karka,  Cudduradda Neef-mareenka siiba Naqaska , Suuxitaan ka dhashay Heer kulka Qorraxda iyo wixii la mid ah.

Hawlaha Adeegga Caafimaadka ee Xujeyda ayaa ahaa mid lacag la’aan ah, iyadoo ay Dhakhaatiir Takhasus leh iyo Kalkaaliyayaal Caafimaad diyaar u ahaayeen inay la tacaalaan Xujeyda faraha badan ee xanuunsaday.

Isbitaalladda loogu talagalay Xujeyda ayaa ahaa kuwa ay yaallaan Qalab Casri ah, isla markaana Bukaan kasta oo Xaaji lagu daaweynayo, iyadoo la siinayo Daryeelka ugu sarreeya ee dhinaca Daawada iyo Daaweynta.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories