HomeWararKoonfurta Kuurya oo Ciiddamo u soo diraysa Xeebaha Somalia, xilli kuwii horey...

Koonfurta Kuurya oo Ciiddamo u soo diraysa Xeebaha Somalia, xilli kuwii horey u joogay u jiheysan doonaan Gacanka Beershiya

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ilaa 300 oo Ciiddamo la socda Markabka Dagaalka “The Gang Gam Chan” ee ay ku rakiban yihiin Gantaalladda wax burburiya ayaa waxay ka soo shiraacday Dekedda magaalladda Busan ee dalka Koonfurta Kuurya, kuwaasi oo ku soo wajahan Xeebaha Somalia. Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 30-aad ayaa la filayaa inay bisha soo socota ee September u bilaabanto hawlgalo socon doona muddo […]

- Advertisement -

Ilaa 300 oo Ciiddamo la socda Markabka Dagaalka “The Gang Gam Chan” ee ay ku rakiban yihiin Gantaalladda wax burburiya ayaa waxay ka soo shiraacday Dekedda magaalladda Busan ee dalka Koonfurta Kuurya, kuwaasi oo ku soo wajahan Xeebaha Somalia.

Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 30-aad ayaa la filayaa inay bisha soo socota ee September u bilaabanto hawlgalo socon doona muddo 6 bilood ah, kaasi oo qeyb ka ah Hawlgalka Caalamiga ee La-dagaalanka burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

- Advertisement -

Afhayeen u hadlay Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa sheegay in Maraakiibtii horey u joogay Xeebaha Somalia loo diri doono Gacanka Bersshiya, si ay qeyb uga noqdaan Ciiddanka Isbahaysiga Maraykanka ee ka hawlgeli doona Gacanka Bershiya ee Xeebaha Iiraan

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iiraan, Sayid Cabaas Mosaafi oo la hadlay Wakaalladda Wararka Koonfurta Kuurya ee YONHAP waxa uu ugu baaqay Dowladda dalkaasi  inay dhexdhexaad ka noqdaan Khilaafka Iiraan iyo Maraykanka, isla markaana aysan qeyb ka noqonin Isbahaysigaasi.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories