HomeWararKanada oo laga soo masaafurinayo Muwaadin Soomaali iyo dadaal looga soo horjeedo...

Kanada oo laga soo masaafurinayo Muwaadin Soomaali iyo dadaal looga soo horjeedo Tarxiilkaasi

Date:

Related stories

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Qareenadda magaallooyinka Edmonton iyo Halifax ee dalkaasi waxay dagaal dhanka sharciga ugu jiraan sidii ay u badbaadin lahaayeen Qaxooti Soomaali oo lagu magacaabo C/llaahi Cilmi oo 34-jir ah, kaasi oo qarka u saaran in la soo masaafuriyo. Dowladda Kanada waxay qorsheynaysaa inay bishan August 21-da u soo masaafuriyaan Somalia, waxayna Taageerayaasha sheegeen inay Dowladda ku fashilantay inay C/llaahi Cilmi […]

- Advertisement -

Qareenadda magaallooyinka Edmonton iyo Halifax ee dalkaasi waxay dagaal dhanka sharciga ugu jiraan sidii ay u badbaadin lahaayeen Qaxooti Soomaali oo lagu magacaabo C/llaahi Cilmi oo 34-jir ah, kaasi oo qarka u saaran in la soo masaafuriyo.

Dowladda Kanada waxay qorsheynaysaa inay bishan August 21-da u soo masaafuriyaan Somalia, waxayna Taageerayaasha sheegeen inay Dowladda ku fashilantay inay C/llaahi Cilmi siiyaan siiyaan Aqoonsiga Muwaadinimadda Kanada.

- Advertisement -

Qareenada ayaa rajo ka qaba inay Dowladda Federalka dib u garwaaqsan doonto Tarxiilka Qaxooti Soomaali oo deggan magaalladda Edmonton, oo ah Kiis sare oo tusaale u noqon doona Maamulka Gobalka Nova Scotia.

Qareenadda waxay kaloo sheegeen inay Dowlad-gobaleedka Ontario ku guul-daraysatay waajibkii ka saarnaa inay u xaqiijiyaan C/llaahi Cilmi helitaanka Deganaansha Rasmiga iyo Muwaadinimadda Kanada oo uu Qaxooti ahaan ugu noolaa muddo 24-sanno.

C/llaahi Cilmi waxaa la qorsheynayo in bishan August 21-da loo soo masaafuriyo dalka Somalia oo isagoo yar ugu dambeysay, isla markaana uusan wax qoys ah ku lahayn, waxna ka aqoonin  Luqadda iyo Dhaqanka  Soomaaliga.

- Advertisement -

C/llaahi Cilmi waxaa la filayaa in loo soo tarxiilo Kismaayo, halkaasi oo  ay ka soo jeedo Hooyadiisa, iyadoo la og yahay in Saxafiyadii Somali-Canadian-ka ee Hodan Naaleeye ka mid ahayd 26-kii qof ee lagu dilay qarixii bishii hore ka dhacay Hoteel ku yaalla Kismaayo

Taageerayaasha ayaa waxay ku doodayaan in Kiiska C/llaahi Cilmi la mid yahay kiiskii horey loogu haystay Cabdul Cabdi, kaasi oo la laalay qorshe loogu soo masaafurin lahaa dalka Somalia. sannadkii hore.

Taageerayaasha ka soo horjeeda masaafurinta C/llaahi Cilmi waxay saxiixeen Codsi ay boqolaal qof saxiixday, oo taageero loogu muujinayo sida ay uga soo horjeedaan in isaga loo soo masaafuriyo Somalia.

Dhinaca kale, Dukumentiyo Maxkamadeed waxay muujiyeen Lisika Dembiyadda uu galay C/llaahi Cilmi, kuwaasi oo ay ku jiraan weerar uu u adeegsaday Hub, Sarkaal uu garaacay iyo cabsi-gelin dhamaystiran.

Waxaa kaloo la sheegay inuu 16-jirkiisa ahaa derbi-jiif, isagoo bartay Mukhaadaraadka iyo isagoo rabshad ku noqday sharciga, wuxuuna 19-jirkiisa codsaday Deganaanshaha Joogtada ee Kanada, balse waa lagu gacan sayray 8 sanno kadib.

C/llaahi Cilmi waxa uu qirsan yahay Dembiyadiisa hore iyo in Alkolaha lumisay Mustaqbalkiisa, kana dhigtay qof ku nool maalin-ka maalin iyo sannad ka-sannad.

Qoraal uu qoray ayuu ku sheegay inaysan tani dhamaanteenna ahayn nolol, isla markaana uu doonayo inuu nqodo Qof Wanaagsan.

Hay’adda Adeegga Xuduuaha ee dalka Kanada waxay bishii June 26-dii ee sannadkan garwaaqsadeen in C/llaahi Cilmi khatar ku yahay dadweynaha, taasi oo meesha ka saartay in laga nadiifiyo Dembiyadda loo haysto.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories