HomeWararAMISOM oo sheegtay inay kordhin doonaan Hawlgallada Wadajirka ee ka dhanka...

AMISOM oo sheegtay inay kordhin doonaan Hawlgallada Wadajirka ee ka dhanka ah Alshabaab

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM,  Ambassador Francisco Madeira waxa uu sheegay inay AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia xoojin doonaan Hawlgalladda Millietri ee Wadajirka ee ay ku doonayaan inay la wareegaan Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri. Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ambassador Francisco Madeira waxa […]

- Advertisement -

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM,  Ambassador Francisco Madeira waxa uu sheegay inay AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia xoojin doonaan Hawlgalladda Millietri ee Wadajirka ee ay ku doonayaan inay la wareegaan Deegaanadda ay ku xooggan yihiin Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ambassador Francisco Madeira waxa uu ku muujiyey in loo baahan yahay Ciiddan Tababaran oo awood u leh inay gacanta ku hayaan Deegaanadda ay AMISOM kala wareegaan Alshabaab.

- Advertisement -

Waxa uu kaloo ka hadlay Xiriirka xooggan ee u dhexeeya AMISOM iyo Ciiddanka Ammaanka Somalia, isagoo xusay inay dib u soo celin doonaan Nabadda iyo Ammaanka Somalia.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM,  Ambassador Francisco Madeira waxa uu ku bogaadiyey DFS muhiimadda ay siiyeen Jiilka Cusub ee Ciiddamadda, kuwaasi oo uu tilmaamay inay yihiin kuwa weli gacanta ku haya afar Degmo oo lagala wareegay Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ambassador Francisco Madeira waxa uu tilmaamay inay qaadi doonaan Hawlgalo Milliteri oo Wadajir, badbaadinta Xarumaha bulshadda, nadiifinta Waddooyinka muhiimka ee ay sahayda maraan, kuwaasi oo qeyb muhiim ka ah dhamaystirka Qorshaha Kala-guurka ee Somalia (STP) ee ay AMISOM mas’uuliyadda Ammaanka ku wareejin doonaan Ciiddanka Ammaanka Somalia.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories