HomeWararMuwaadin Somali Maraykan ah oo lagu xukumay Xabsi aan cafis lahayn

Muwaadin Somali Maraykan ah oo lagu xukumay Xabsi aan cafis lahayn

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Shariif Kaariye oo 41 jir ayaa lagu soo oogay inuu door ku lahaa Kharaj lagu helay Mashruuc been abuur ahaa. Eedeysanaha oo ahaa Milkiilaha Xarun Daryeel Maalinle (Daycare Center) oo ku taalla magaalladda Kansas ee Gobalka Missouri ee dalkaasi waxaa Xukun ku riday Maxkamad Heer Federal doorkii uu ku lahaa Mashruuc been abuur ah oo Macaashka Federalka looga qaatay in […]

- Advertisement -

Shariif Kaariye oo 41 jir ayaa lagu soo oogay inuu door ku lahaa Kharaj lagu helay Mashruuc been abuur ahaa.

Eedeysanaha oo ahaa Milkiilaha Xarun Daryeel Maalinle (Daycare Center) oo ku taalla magaalladda Kansas ee Gobalka Missouri ee dalkaasi waxaa Xukun ku riday Maxkamad Heer Federal doorkii uu ku lahaa Mashruuc been abuur ah oo Macaashka Federalka looga qaatay in ka badan 556,000 oo Dollar.

- Advertisement -

Shariif Kaariye oo haysta Dhalashadda Maraykanka waxa uu ahaa Milkiilaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta ee Xarun Daryeel Maalin lagu asaasay labo ganacsi iyo labo magac oo isku meel ku yaalla.

Labada Xarumood ee uu Madaxa fulinta ka ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Karie Day Care Center iyo Tima Child Care Center, sida lagu sheegay Dukumenti loo gudbiyey Maxkamadda.

Shariif Mukhtaar waxaa bishii Janaayo 11-dii ee sannadkan  lagu soo oogay eedeymo ay ka mid ahaayeen Xatooyo Hanti Dowladeed, 15 eedeymo la xiriiirta Xawilaad Lacageed iyo 3 Xatooyo ee Waraaqaha Aqoonsiga, waa sida hadalka loo dhigay.

- Advertisement -

Garsoore Degmo oo lagu magacaabo Brian C. Wimes oo u xil saarnaa qaadista dacwadaasi waxa uu Shariif Kaariye ku xukumay ilaa 4 sanno iyo 10 bilood oo aan cafis lahayn oouu ku qaadanayo Xabsi Heer Federal.

Sidoo kale, Haweeney la eedeysnayd oo lagu magacaabo Sheri Beamon oo 48 jir ayaa waxaa Xukunkeeda lagu dhawaaqi doonaan bishan August 15-da, iyadoo horey u qiratay Dembiyadii lagu soo oogay bishii September 10-da ee sannadkii hore.

Haweeneydaasi waxay ku magacownayd Agaasimaha Xarumaha Kaariye ee Daryeelka Maalinlaha iyo Xarunta kale ee Daryeelka Carruurta ee Maalinlaha (Timo Childcare Center).

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories