HomeWararMaraykanka oo loogu baaqay inaysan taageerin Codsi Kenya ay u dirtay QM...

Maraykanka oo loogu baaqay inaysan taageerin Codsi Kenya ay u dirtay QM oo ka dhan ah Alshabaab

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Tobaneeyo Diplomaasiyiin sarsare oo Maraykan ah iyo Madaxda Hay’addaha Samafalka Caalamka ayaa waxay gaashaanka ku dhufteen Baaq ay Dowladda Kenya uga  codsatay QM in Xarakadda Alshabaab lagu daro Liiska waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen in ka badan 16 Diplomaasiyiin Maraykan oo Hawlgab ah waxay ku sheegeen inuu Codsiga Kenya khatar ku yahay dadaalka Hawlaha Samafalka ee ka socda gudaha Somalia.

Kooxda Diplomaasiyiinta ee ka hor yimid Baaqa Kenya waxaa ka mid ah Safiirkii hore ee Maraykanka u joogay Kenya, Mrak Bellamy,Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda,Thomas R Pickering iyo Maareeyihii Hay’adda Mucaawanadda Maraykanka ee USAID,J. Brian Atwood.

Xubnahaasi waxay sheegeen in Codsiga Kenya uu jebin karo Xiriirka Wada-shaqeynta ee haatan, iyadoo Shaqaalaha Hay’addaha Samafalka loo oggolaaday inay hawlahooda ka fulioyaan Goballadda ay Alshabaab gacanta ku hayaan.

Kooxda Diplomaasiyiinta Maraykanka waxay kalo osheegeen inay waajib tahay inay furnaadaan dhamaan wadiiqooyinka ku aadan Gargaarka Samafalka ee Somalia.

Qoraal uu Maareeyihii Hay’adda Mucaawanadda Maraykanka ee USAID, J. Brian Atwood  u diray Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mayk Bombeeyo, isla markaana nuqulo loo gubiyey oo Madaxda Guddiyadda Aqalka Senedka ee Maraykanka ayaa waxaa lagu muujiyey inuu Codsiga Kenya khatar gelin karto dadaalka Taageeradda Samafalka iyo nolosha boqolaal kun oo qof oo ku tiirsan Gargaarka Caalamiga.

Maareeyihii Hay’adda Mucaawanadda Maraykanka ee USAID waxa uu ku booriyey Dowladda Maraykanka inay gaashaanka ku hdufteen Codsiga Kenya u gudbisay QM ee ka dhanka ah Alshabaab.

Toddobaadkii la soo dhaafay, dowladda Kenya waxay sheegtay inay markii 2-aad Codsi toos ah u  dirayaan xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, o oay kaga dalbanayaan inay Alshabaab ku daraan Liiska waxa loogu yeero Argagixisadda, waa sida ay Kenya sheegatay.

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, Macharia Kamau ayaa waxa uu codsiga Dowladda Kenya jeediyey mar uu Saraakiil ka socotay Dowladda Imaaraadka Carabta uu isbuucii hore kula kulmay magaalladda Nairobi.

 Waxa kale oo uu Dowladda Imaaraadka ka codsaday inay Kenya ku taageeraan Codsigooda QM iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya ayaa waxay la daalla-dhacaysaa Weeraro joogto ah oo ay Alshabaab u geystaan gudaha dalkaasi iyo Ciiddanka Kenya ka jooga Somalia, gaar ahaan Deegaanadda ku dhow xuduudka labada dal.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories