HomeWararMadaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia oo sheegay inaysan caddaalad ahayn Maxkamadeyntiisa

Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia oo sheegay inaysan caddaalad ahayn Maxkamadeyntiisa

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ku dhawaaqay inuu iska joojiyey Kooxda Qareenadda ee isaga difaacaysay, wuxuuna ku eedeeyey Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia inaysan Qareenadiisa u oggolaanin Xuquuqdooda. Hadalkaasi waxa uu ka sheegay Fahdigii 4-aad ee Kiiska loo haysto, taasi la dhegeysanayey bishii la soo dhafaay ee July 24-dii. Waxa uu si cad u muujiyey inaysan […]

- Advertisement -

Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ku dhawaaqay inuu iska joojiyey Kooxda Qareenadda ee isaga difaacaysay, wuxuuna ku eedeeyey Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia inaysan Qareenadiisa u oggolaanin Xuquuqdooda.

Hadalkaasi waxa uu ka sheegay Fahdigii 4-aad ee Kiiska loo haysto, taasi la dhegeysanayey bishii la soo dhafaay ee July 24-dii.

- Advertisement -

Waxa uu si cad u muujiyey inaysan Qareenadiisa sii wadi Karin Difaaciisa, sababo la xiriira Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha oo caqabad ku noqday iyo inuu lumiyey kalsoonidii u uku qabay Maxkamadda.

Waxa uu tilmaamay inuu Maxkamaddu u yimaado si uu u dhegeysto Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha, balse aysan jirin wax ay Kulamadda Maxkmaddu ku kala duwan yihiin.

Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia waxa uu tilmaamay in warar been ah oo isaga la faafiyey dhaawacday Xorriyadiisa, isla markaana ay Ciiddamo badan isaga ka hayaan ilaalo xooggan.

- Advertisement -

Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ka soo muuqday Maxkamadda iyadoo ay Ciiddamo hubeysan oo ka kala socday Milliteriga Federalka iyo Boliska si xoogan u joogeen gudaha iyo dibedda Dhismaha Maxkamadda.

Dhinaca kale, Muddadii ay socotay Dhegeysiga Dacwadaasi waxay Garsoorayaasha u sheegeen Dcawad-oogayaasha inay saxaan dacwada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ah Eedeysnaha 1-aad iyo Xamzam Xasan oo iyadana ah Eedeysanaha 43-aad ee Dacwadaha loo haysto.

Dacwad-oogaayaasha waxay dalbadeen faahfaahin dheeraad ee dacwadaha ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku jirto Isku-day uu ku doonayey inuu meesha ka saaro Amarka Nidaamka Dastuuriga.

Kiiska Zamzam Xasan waxay Maxkamaddu u sheegetay Dacwad-oogayaasha inay Jinsigeeda ka soo dhigaan dheddig, halka dacwadda kaga soo qoreen Lab ahaan.

Garsoorayaasha waxay ku amreen Dacwad-oogayaasha inay Maxkamadda ku soo wareejiyaan Nuquladda Caddaymaha Labada Eedeysane.

Qareenadda difacaaysay waxay Garsoorayaasha u sheegeen inay khatar soo wajahday Cabdi Maxamuud Cumar, kadib, markii uu Wargeyska The Reporter bishan August 7-dii qoray war been abuur oo ku aadanaa inuu Cabdi Maxmuud Cumar doonayey inuu ka baxsado Xabsiga.

Maamulayaasha Xabsiyadda wey beeniyeen waxa uu qoray Wargeyskaasi, balse, Madaxda Wargeyska weli Warkaasi kama aysan saarin Barahodoa bulshadda.

Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia waxay Kooxda Qareenadda ka codsadeen inay Maxkamadda u soo gudbiyaan qoraalka dacwadooda ka dhanka ah Wargeyska The Reporter.

Maxkamaddu waxay sheegtay in bishan Augsut 19-da dib loo dhegeysan doono dacwadda loo haysto Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxmuud Cumar.

Si katsaba ha ahaatee, Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo hal sanno ku xiran Xabsiga waxa uu sheegay inuusan isaga naftiisa sii dfaaci doonin iyo inaysan Qareenadiisa sii wadi doono Difaaciisa, wuxuuna sheegay inuu Maxkamadda u imaan doono oo keliya inuu dhegeysto waxa ay Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha sheegaan.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories