HomeWararMadaxweyne Waare Oo Shacabka Hirshabelle Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciida Carrafo

Madaxweyne Waare Oo Shacabka Hirshabelle Ugu Hambalyeeyay Munaasabadda Ciida Carrafo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda muslimiinta iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle. Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed […]

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlayay Afka Golayaasha Dowladda Hirshabelle ayaa waxaa uu Hambalyo ku aadan Munaasibadda Ciidul Adxaa u diray dhammaan umadda muslimiinta iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa sheegay in maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay inay is cafiyaan dhammaan umadda Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka danyarta ah iyo ubadkeena soo koraya.
‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo Nabad-gelyo, Horumar, Wadajir , Midnimo iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena ‘’ Ayuu yiri Madaxweyne Waare.
‘’ Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Hirshabelle meesha ay hada joogto sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ Ayuu hadalkiisa sii raaciyey Madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Dawladda Hirshabelle waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada mararka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi.
‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka, madax dhaqameedka, ganacsatada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Horumarinta Dowladnimada’’ Ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.
Ugu dambeyntii Waxa sidoo kale Ciida Carafo uu u diray Guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwa Hirshabelle, iyo ciidamada Amisom Ka howlgala Hirshabelle Gaar ahaan Ciidamada Hiil Walaal Ee Jibuuti Iyo Shacbiga Walaalaha Jibuuti, isagoo u rajeeyay caafimaad qab iyo Horumar.
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories